U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab Oo Beenisay In Duqeyn Looga Dilay 150 Dagaalyahanno

Sheeko:Dalka

Xarakada Alshabaab ayaa beenisay warka Maraykanka kasoo baxay ee uu ku sheegay in uu ka dilay dagaalyahanno gaaraya 150 Askari kadib duqeymo ka dhacay gobalka Hiiraan.

Hadalkani waxaa shaaciyay Afhayeenka dhinaca ciidamada Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay Talefishinka Aljazeera qeybtiisa Afka Englishka ku hadla.

Wuxuu qiray in ay dhaceen duqeymaha isla markaana uu jiro khasaare balse Maraykanka uu ka bad badiyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeymo diyaaradeed oo Maraykanku ka geystay deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan aagga degmada Buulo-burde inay ku dileen 150 dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Deegaannada la duqeeyay waxaa degmada Buulo-burde ay dhinaca galbeed kaga beegan tahay qiyaas dhan 65-KM.

Abuu Muscab ayaa warka wasaaradda difaaca Maraykanka ku sifeeyay mid borobogaando ah, isagoo ka gaabsaday tirada duqeymaha lagaga dilay.

Goobjoog News