U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Warta Nabadda: Dadka Hoobiyeyaasha Kusoo Tuura Degmada Waa La Daba Socdaa

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in la daba joogo dadka ka dambeeya hobiyeyaal dhowr jeer lagu tuuray degmadaasi, kuwaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Maxamed Cabdi Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda ay wadaan dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan soo laabashada falalkaasi oo kale.

Waxa uu tilmaamay in hadda ciidamada ay ilaalo ka hayaan dhamaan degmada, sidoo kalena la wado baaritaanka ah dadka Hoobiyeyaasha degmada kusoo tuura.

“Booliiska iyo hay’adda naba sugidda ayaa shaqadooda wadaan, dadkii Hoobiyeyaasha soo tuuray waa lagu raad joogaa in lasoo qabto, illaa hadda dad lasoo qabtay aan ognahay ma jirto laakiinse hadda waxay sameeyeen kahortag aad u fiican oo ah iney waardiyeeyaan meelaha falalkaasi amni darrada ah ay ka imaan karaan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dhowr maalin ayaa xaafado ka mid ah degmada Warta Nabadda (Wardhiigley) waxaa lagu soo garaacay madaafiic sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah.

Goobjoog News