U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Baarlamaanka Jubbaland ka Codsaday Laalidda Qodobbo Muhiim ah oo Ku Jira Dastuurka Maamulka

Sheeko:War

Baarlamaanka Jubbaland oo maanta iskugu yimid kulan xarunta maamulka ee Kismaayo ayaa laga hor akhriyay warqada codsi ah oo ka timid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo ku dalbanayo laalidda qodobadda 44-aad iyo 45-aad ee dastuurka.

Shirka baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaa soo xaadiray xubno gaaraya illaa 53 xildhibaan.

Ugu horreyn guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdi Baalley Xuseen ayaa ka hor akhriyay warqadda codsiga madaxweynaha xubnaha baarlamaanka, waxayna u qorneyd sidan:

“Marka uu arkay baahida loo qabo in si degdeg ah wax loosoo dhiso xukuumad dhameystiran, marka uu arkay baahida loo qabo qancinta xagga isku dheelli tirka saamiga awoodaha ee dhamaan Beelaha dega Jubbaland, marka uu arkay qodobadda Dastuurka Jubbaland ee cayimaya tirada xubnaha xukuumadda, taas oo xanibi karta qancinta xagga isku dheelli tirka saamiga awoodaha ee dhamaan beelah dega Jubbaland, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxa uu ka codsanayaa golaha sharci dejinta Jubbaland iney laalaan Qodobka 44aad, faqraddiisa koobaad xarafka “B” ee qeexaya in xukuumadda Jubbaland yeelaneyso hal madaxweyne ku xigeen iyo qodobka 45aad faqraddiisa koowaad ee qeexaysa in tirada xukuumadda golaha wasiirada ee  Jubbaland aanuu ka badnaan kari 15 xubnood, sidaa daraadeed Madaxweynuhu waxa uu ku rajaweyn yahay in golaha sharci dejintu gar waaqsadaan danta guud, isla markaana aqbalaan codsigiisa”.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa horey uga dooday qodob 5 ah oo Dastuurka laga bedelayay, oo qaarkood horey loo meel mariyay, waxaana ka mid ahaa, muddo kordhinta wakhtiga lagu soo dhisi karo xukuumadda maamulka oo muddooyin farabadan dib u dhacday iyo in la furo baarlamaanka oo xubno cusub lagu soo kordhiyo.

Labadan qodob ee 44, 45 ayaa xubnaha baarlamaanku ka doodeen, iyagoo xubnaha qaar ay aad uga biyo diidanaayeen, maadaama ay ku adag tahay maamulka dhaqaaluhuna aanuu qaadi karin tiro wasiirro ah oo farabadan, halka xubno kale ay dib u heshiisiinta mudnaanta siinayeen oo ay soo jeediyeen in codsiga madaxweynaha la meel mariyo, waana sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur “Cabdullaahi Dheer” oo wareysi gaar ah aan la yeelanay.

Si kastaba xubnaha Barlamaanka Jubbaland ayaa loo badinayaa iney laalaan qodobadda dastuurka ee 44aad iyo 45aad maalmaha soo socda,  iyagoo mudnaanta koowaad  siinayo dadaalada dib u heshiista ee baryahan danbe ka socday maamulka.

Goobjoog News