U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas “Al-shabaab Waxay Puntland Ka Heleen Cashirkii Ay u Baahnaayeen Oo Dhab Ah”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dagaalladii ay ciidanka maamulkiisa la galeen Xarakada Al-shabaab ayaa ugu horeen sheegay in dagaalkaasi ay iyaga ku guuleysteen.

Waxa uu sheegay Gaas in Al-shabaab ay arkeen ciidan u taagan sidii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dagaalkaasi ay kali ku ahayd Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada Al-shabaab ayuu sheegay in Puntland wixii ay ka filayeen wax aan ahayn ay kala kulmeen, islamarkaana loo dhigay cashirro aysan dib ugu soo qaldamin deegaannada Puntland.

“Al-shabaab waxay Puntland ka heleen cashirkii ay u baahnaayeen oo dhab ah, wax aysan fileyn bay la kulmeen, waxaan tani uga mahadcelinayaan ciidamada Puntland oo u dhabar adeeggay difaaca dhulkooda, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa shacabkii u istaagay inay garab istaagaan ciidankooda, haba ugu soo horeeyaan Haweenka oo raashiinka ka daba wada ciidankooda” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in beesha caalamka aanay ka helin wax walbo oo magaca Soomaaliyeed lagu keenayo, waxaana uu ka dalbaday in Puntland ay hesho xuquuqdeeda.

Ciidamada Puntland ayaa Xarakada Al-shabaab waxay dagaallo kula galeen deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Puntland ayaa Isniintii shalay gelin dambe soo bandhigtay ku dhawaad 20 qof oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo qaarkood lagu soo qabtay dagaalladaasi halka kuwo kalena ay iskood isku soo dhiibeen.

14-kii Bishan ayaa ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab islamarkaana Doonyo wata waxay ka dageen dhul xeebeed ku yaalla gobalka Mudug, gaar ahaan qeybta Puntland.

Goobjoog News