Abaaraha Ka Jira Gobolka Awdal Oo Saameyn Badan Ku Yeeshay Qoysaska Reer Miyiga Ah (Sawirro)

Deegaanno ka mid ah gobollada Waqooyi ee dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo Duunyada, iyadoo ay jiraan dad u geeriyooday abaartaasi.
Wariyaheena Cumar Seerbiya ayaa socdaal ku tagay deegaanno ka mid ah gobollada Somaliland ee abaartu saameysay isaga oo la kulmay qaar ka mid ah dadka ay abaartu saameysay.
Deegaanka Qolijeed waxa uu dhanka Galbeed qiyaas ahaan ka xigaa 65 Km magaalada Borame ee xarunta gobolka Awdal, waa deegaan buuraley ah oo aanu lahayn dhir badan, waxa ugu badan ee indhahaagu qabanayaan waa dhagxaan oo kaliya.
Wariyaheena oo xilli fiid ah deegaankaasi tagay ayaa la kulmay dad badan oo ku sugnaa goob cidlo ah, isaga oo indha indheeyay xaaladooda iyaga oo u sheegay inay kasoo guureen deegaanka Qolijeed u jirta 150 Km dhanka waqooyiga oo ah deegaan xeebeedka Saylac.
Waxay sheegeen in halkaasi ay uga soo tageen xoolahooda kadib markii loo sheegay in deegaankaasi dad mucaawino loogu qeybiyey balse iyagu aanay kusoo gaarin mucaawinadaasi.
Wariyaheena ayaa halkaasi kula sheekeystay mid ka mid ah Haweenka halkaasi ku sugan oo u sheegtay in qof qoyskeeda ah uu kusoo geeriyooday jidka inta ay halkaan usoo socdeen.
Waxay tilmaantay in waxa ugu daran ay tahay dhaxanta, baahida, harraadka iyo sidoo kale cudurro aanay haysan dawadooda.
“Abaartan oo kale weli ma arag, qaxootina ma arag, waan iska cuneynay iskana cabeynay, maanta maalin ay inooga xuntahay maan arag, islaan baa inooga geeriyootay abaartan waxaa dilay baahi iyo harraad, dad kale oo dhintay wey jiraan, dhulkeenna oo dhan wey saameysay, waxaan u baahannahay in gurmad nalala soo gaaro”
Deegaanka Qolijeed ayaa sidoo kale waxaad ku arkaysaa caruur xiran maro kaliya islamarkaana aan haysan dharkale xilli dabeylo xooggani ay halkaasi ka jiraan.
Waxay si wadajir ah dhammaan dadkani u dalbanayaan in lala gaaro gurmad isugu jira raashiin, Biyo iyo dawo.
Maamulka Somaliland ayaa dadaal xooggan ugu jira u gurmashada shacabka abaarta ay ku hayso gobollada maamulkaasi ka arrimiyo.
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Goobjoog News Axadii shalay ahayd ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay u gurman doonto dadka ay abaarta ku hayso gobolka Awdal iyo goballada kale ee dalka.
Goobjoog News