U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Walaac Ka Muujiyey Biyo La’aanta Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin biyo yareenta Wabiga Shabelle, kaasi oo dad badan ay ku tiirsanaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in guddi baara loo diray biyo la’aanta wabigaasi iyo sidoo kale khasaaraha ay la kulmeen beeraleyda gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay soo arkeen wax walbo oo jira, islamarkaana maalmaha soo aadan ay gudbin doonaan khasaaraha guud ee soo gaaray beeraleyda.

“Dhibaato badan baa laga dhaxlay biyo la’aanta Wabiga Shabelle, waxaan dirnay guddi soo kormeeray khasaaraha soo gaaray beeraleyda, waxaana rajeynaynaa in aynu soo bandhigno khasaaraha guud” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in hay’adda FOA iyo Midowga Yurub ay degdeg uga dalban doonaan in la helo ceelal biyoodyo si aanu usii kordhin khasaaraha beeraleyda.

Wabiga Shabelle oo biyo yareeyay ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada, sidoo kalena waxaa sii baaba’aya dalag beereedyada ku tiirsanaa Wabiga Shabelle.

Goobjoog News