U bood dhigaalka

Biyo Dhaamin Ka Billaabatay Deegaanno Ka Mid Ah Gobolka Bari Oo Abaar Ka Jirto

Sheeko:Dalka

Biyo dhaamin aan sidaa u badneen ayaa ka billaabatay deegaanno ka mid ah gobolka Bari gaar ahaan degmada Bandarbeyla iyo deegaanno kale oo hoostaga degmadaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Xaaji Dayib oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa 10 Booyadood oo biyo ah waxa uu ugu deeqay dadka abaartu ku hayso degmada Bandarbayle iyo sidoo kale tuulooyinka ku dhow.

Guddomiyaha degmadaasi Saciid Anteeno oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in marka laga soo tago xildhibaankan biyaha ugu deeqay dadkani in aanay weli wax kale oo gurmad biyo dhaamin ah ka helin guddiga abaaraha Galmudug.

Dadkii loo geeyey biyahan ayaa aad uga mahadceliyay, waxayna ugu baaqeen dadka wax haysta inay ku deysadaan xildhibaankan isaga is xilqaamay.

Deegaanno badan oo ka mid ah Puntland ayaa ka mid ah deegaannada abaartu ka jirto ee gobollada Soomaaliya, waxaana abaartan u geeriyooday dad iyo duunyo.

Goobjoog News