U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Saraakiil Ka Socotay Hay’adaha Gargaarka Oo Ka Shiray Abaaraha Dalka Ka Jira

Sheeko:Dalka

Wasaarada arimaha Gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay Hay’adaha gargaarka ayaa  ka wada  hadlay sida la isaga kaashan karo gurmad gaarsiinta qoysaska abaaruhu ay ku haystaan Gobollada qaar ee dalka.

Kulan ay isugu  yimaadeen  madaxda Labada dhinac  ayaa lagu soo hadal qaaday in baahi badan xilligan ay ka taagan tahay degaanno badan oo goboladda dalka ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdirashiid Xidig oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Hay’adaha ay kaalin xooggan ka qaataan sidii shacabka dhibban loogu gurman lahaa.

Mr Xidig ayaa carabka ku adkeeyay gobolka Gedo oo uu sheegay in dhanka koonfurta uu yahay gobolka kaliya ee aadka ugu daran islamarkaana ay ka jirto abaarta.

Hay’adaha ayuu ka dalbaday in baahida gobolkaasi ka jirta ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo jawaabaan, si dadka halkaasi ku dhaqan u helaan biyo iyo baad intaba.

Gobollo badan oo ka mid ah dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunya.

Goobjoog News