Muqdisho: Rasaasta Kor Loo Rido Oo Waddo Furasho Noqotay!

Dhawaqa Rasaasta haddii aad joogta magaalada Muqdisho waa mid iska caadi ah oo dadka ayaa kuu sheegaya qoriga dhacaya magaciisa iyaga oo aanan dareemin baqdin sidaa u buuran laakiin dadka magaalada ku cusub sida Qurba joogta iyo ajaanibta ayaa aad u dareema baqdin marka ay maqlaan xabad dhacaysa inkastoo Rasaasta ka dhacda waddooyinka ay dareenkeeda leedahay.
Xisaabin la’aanta Rasaasta askarta ay wadato waxa ay keentay in ay ciidamada ilaalada ka ah gaadiidka ayan dareemin mas’uuliyadda saaran taas oo sababtay in ay qatar geliso Amniga.
waxaana caado noqotay in ciidamadu ay rasaas ku furtaan waddooyin marka ay marayaan haddii ay dareemaan ciriiri ama shil uu ka dhaco wadada ay marayaan.
waddooyinka waxaad ku arkeysaa mararka qaar dad waayeel ah oo habaaraya ciidamo xabado uga nixiyey iyaga oo wadada maraya.
cabsida laga qabo ciidamada waddooyinka sida qaabka daran u mara waxa ay keentay in gawaarida Bl ka ah iyo kuwa raaxada ay ka cararaan laamiga iyaga oo raadsanaya meel ammaan ah maadama ay niyadda ku hayaan in ciidamada cid la xisaabtameysaa aysan jirin.
Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaan weydiinaya dareen ahaa marka ay maqlaan Xabadaha macno darrada ah ay ciidmada ku dhex ridaan caasimadda.
“Waan baqnaa markaan magaalada mareyno oo aan maqalno Rasaas ay ku soo ridaan gaariga aan saaranahay hadii ay sii socdaan rasaasta aan ujeedka lahayn ee magaalada ka dhacda”
“Dowladda ayaa looga baahanyahay in ay xil iska Saaraan waayo magaalada caasimadda waqtigan Waxa ay sameyneysaa Hormar dib u dhac ayey u keyneysaa rasaasta ay askarta waddooyinka ku furtaan” sidaa waxaa Goobjoog u sheegay qof shacab ah.
Dowlada oo shaqadeeda ahayd ka warqabka iyo tira koobka rasaasta iyo qoryaha yaalla magaalada ayaanan u muuqan mid wax ka qabatay oo ciidamada rasaasta ridaya ayaa ah kuwa u diiwaangalsan dowladda.
Af hayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Ffitaax Cumar Xalane ayaan weydiiyay ka maamul ahaan waxa uga qorsheysan rasaasta aan ujeedka lahayn ee magaalada ka dhacda.
“in xabad aan ujeedo lahayn ka maqalno magaalada uma dulqaadan doonno hadaanu nahay maamulka Gobolka banaadir”
Afhayeenka ayaa sheegay in ay ku filantahay in ay iga leexo ay dhahaan taasna haddii ay sii socoto waxa uu tilmaamay in ay weyneynaa shacab la shaqeeyo oo dadka ay ka cararayaan askarta”
Maxaa ka dhalan kara haddii ay sii socdaan dhibaatooyinka nuucaan ah oo ay ciidamadu shacabka ku hayaan?
“Waxaa ka dhalan karta in ay shacabka ka aamin baxaan ciidamada waayo ciidanka waxa uu ciidan ku yahay shacabkiisa waxa ay sameeyaan mararka qaar waddo sharci darro ah oo ay marayaan isamarkaana ay gaari ka saxan rasaas isaga leexiyaan tasna amniga ayey wax u dhibee” sidaasi waxaa inoo sheegay Aadan oo ka mid ah dadka Muqdisho.
ciidamada qaar ayaa ku dooda in waddooyinka ciriiriga ah ee saxmadda badan leh loogu soo dhex dhuuman karo taas oo keenta in qoryaha ay wataan qalka ka geliya gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee waddooyinka isticmaala,
haddaba waa maxay xalka ciidamada shacabka rasaasta ka dhex rida mararka qaarna dhibaateeya?
Hadaba xalka arrinkaan ayaa waxaa laga sugayaa dowladda Federaalka , gaar ahaan wasaaradda amniga maadaama shacabka ay aad u dhibsadeen dhawaqa rasaasta.
W/D:- Ibraahim Xaaji Aadan
Goobjoog News