Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Hoose, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in duqeymahan ay la bartilmaameesanayeen ciidan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay ka dhaceen saldhigyo ay ku lahaayeen Koonfurta dalka.
Waxa uu xaqiijiyey Afhayeenka in duqeyntaasi ay ku dileen 12 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.
Dhanka Al-shabaab weli kama aanay hadal khasaaraha kasoo gaaray duqeyntan.
Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa maalmahan dambe xoojiyey duqeynta ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.
Habeen kahor waxay duqeeyeen deegaanka Yoontoy oo saldhig ciidan ku lahaayeen Al-shabaab.
Goobjoog News