U bood dhigaalka

Wasiir Diini: Caruurteena Waxaan Badda Ka Badbaadin Karnaa Marka Shaqo Abuur Loo Sameeyo

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhallinyaradii dhawaan ku geeriyaaday badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga.

Wasiirka ayaa ugu horeen tacsi u diray ehlada dhammaan dhallinyaradii ku dhintay baddaasi, xilli ay doonayeen in dalka Talyaaniga tagaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in Soomaaliya ay leedahay kheyraad aad u badan, dhallinyarada Soomaaliyeedna ay ku kalliftay in dalkooda ay ka tagaan shaqo la’aanta jirta iyo amni Xumada.

Wasiir Diini ayaa sheegay in taasi looga gudbi karo sugidda amniga guud ee Soomaaliya, si dhallinyarada ay wadankooda u joogaan.

“Waxaan rabaa in halkaan aan ka muujiyo tacsi aan u dirayo umadda Soomaaliyeed dhammaan meel ay joogto gaar ahaan waalidiintii ay ka geeriyoodeen oo badda ku daateen ilmahoodii oo aad iyo aad tiiraanyo ay u leedahay in ilmaheenii maalin walbo ay sidaan badda ugu daataan iyagoo dadkoodii iyo dalkoodii ka baxsanayaan oo raadinayaan nabad galyo,  waxbarasho ama nolol kale, waan ka xumahay wadankooda oo barwaaqo ah in arrintaasi oo kale ay ku dhacdo shacabka Soomaaliyeed, waxaana leeyahay ilmaheena waxaan ka badbaadin karnaa arrintaan markaan dhisanno ciidamadeenna oo xagga amni dalkeenna kusoo dabaalno, waxaan ka badbaadineynaa annaga oo isku duuban markaan dalkeena dhisanno ayaan ilmaheena waxaas iyo waxaa la mid ah ayaan ka badbaadineynaa, waxaan ka badbaadineynaa ilmaheena inta la qalday dalkooda iyo dadkoo dhibaatada u geysanaya waa hadii aan u wadajirno arrinkaasi meel walbo oo aan joogno walibana iska dhaafno inaan is goobagoobeyno” ayuu yiri wasiir Diini.

12-kii bishan doon ay saarnaayeen 500 qof una badan Soomaali ayaa ku quustay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga, waxaana halkaasi laga soo badbaadiyey oo kaliya 23 qof.

Goobjoog News