U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Hay’ado Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Ka Shiray Horumarinta Deegaannada Maamulkaasi Ka Arrimiyo

Sheeko:Dalka

Wasiiro ka kala socday illaa 5 wasaaradood oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado ee gobolka Mudug, waxaana horkacayey wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulkaasi Cismaan Dheere.

Wafdigan ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay shir u dhaxeeyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulka Galmudug islamarkaana looga hadlayey arrimaha horumarinta maamulkaasi.

Wasiir Cismaan Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada Galmudug ka hesho Qaramada Midoobay iyo sidii qorshe loogu sameyn lahaa.

“Safarkeena waxa uu ku saabsanaa howlo kala gedisan oo ugu muhiimsan shir ku saabsan qorshaha Galmudug oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo dib uga furmi doona magaalada Cadaado, waxaan rajo ka qabnaa in Galmudug Sanadkaan midka xiga gaari doonto horumar, shirkaan waxaa la yeelanay hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana diirad ku saaran arrimaha qorshaha sanadaha soo socda ee Galmudug ku dhaqmeyso kuna saabsan horumarinta, natiijada kasoo baxday ayaa ah in howlihii magaalada Muqdisho looga hadlay in lagu dhameystiro magaalada Cadaado” ayuu yiri wasiirka.

Dhawaan ayeey ahayd markii maamulka Galmudug uu shaaca ka qaaday in hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala dalka aanay si caddaalad ah kaga shaqeyn deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News