Waxaa maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare loo Magacaabay Ibraahim Iidle Sulaymaan kadib markii jagadaas laga xayuubiyey Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo kursiga ku fadhiyay in ka badan 5 sano.
Sida ku qoran Dastuurka KMG ah qodobka 90-aad awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah:- Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa horay u soo noqday Garyaqaanka guud ee maamulka Somaliland, Siilaanyo ayaa jagadaas u magacaabay July 2, 2011-kii, waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in todobaadkii hore uu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland istaqaaladiisa xilkaas ku aadan.
Hadaba Halkan ka Akhri Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare:


