U bood dhigaalka

Ceydiid Cabdullaahi  Ilka Xanaf  Oo Xilka Laga Qaaday iyo Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Maxkamadda Sare

Maajo 4, 2016

Waxaa Goor dhaw Xilka laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid C/laahi ( Ilka Xanaf ) iyadoo xilkaas loo Magacabay Ibraahim Iidle Sulaymaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qaaday Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf Xilka, Lama oga sababta  xilkaas looga qaaday, laakin waxaa jiro warar sheegaya in lagu eedeeyay Musuq iyo isbada marin

Sida ku qoran Dastuurka KMG ah qodobka 90-naad awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah: Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

Abuukaate Ceydiid C/laahi ( ilkaxanaf ) waxaa jadaga loo Magacaabay April 2, 2011.

Taariikhda Guddoomiyaha Cusub Ibraahim Iidle Sulaymaan, La soco, Goordhaw.