Madaxweyne Xasan Oo Amray In Lala Shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay xaflad lagu dhaariyay maanta Ibraahim Iidle Suleymaan guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa ku amray hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan hogaanka cusub ee Maxkamadda sare.
Qeybaha Wasaaradda Cadaaladda, xeer ilaalinta, iyo dhamaan hey’adaha kale ayuu sheegay Xasan Sheekh in ay la shaqeeyaan Dr Ibraahim Iidle Suleymaan.
Madaxweynaha waxaa uu xilka ka qaaday Ceydiid Ilka Xanaf oo jagada guddoomiyaha Maxkamadda sare hayey ilaa 2011-kii.