U bood dhigaalka

Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Oo Soo Bandhigay Qaabka Loo Xuli Karo Xildhibaanka 2016-ka

Sheeko:Dalka

Dood ku saabsan “Yaa soo Xulaya Xildhibaanka” ayey Goobjoog News dhex dhigtay Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan, Maama Khadiiji Siicow, Caaqil Xasan Cilmi Yaxye, Abuukaate Faaruuq, Suldaan Cabdiaziz Cumar Daad(Beyle), Amina Maxamed Mursal, Sheekh Cabdixayi Sheekh Aden iyo aqoonyahan kale.

Dadkii doodda  ka qeybgalay waxaa ay walaac ka muujiyeen sida wax ku socdaan  iyo in la sameynayo odoyaal aan ku jirin liiska Oday dhaqameedka, taasi oo soo dadajin karta musuqu iyo wax isdaba marin, waxaa ay ka digeen in doorashadan loo maro waddaddii lagu hungoobay 2012-kii.

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan: Ugaas Maxamed oo ka mid ahaa duubabka Soomaaliyeed laga soo bilaabo shirkii Carte ee 2000 waxaa uu sheegay  in ay habboon tahay in Jilibyada loo daayo xulista dadka noqonaya xildhibaanka iyadoo ay ka dhex muuqanayaan dhamaan qeybaha kala duwan sida haweenka, dhallinyarada, aqoon yahanka iyo culimada, oo Jilibyadaas ay iyaga keenaan Xildhibaanada kadibna  go’aanka ugu dambeeyana uu lahaado Oday dhaqameedka beeshaas.

Ugaas Maxamed Bashiir waxaa uu difaacay Xildhibaanada uu isaga soo xulay in ay ku yimaadeen Lacag ama Laaluush, 7 Xildhibaan ayuu sheegay in uu soo xulay ama uu talo ku lahaa doorashadii 2012-kii, iyagoo ku dhaartay in uu Shilling ka qaadan dadkaas.

Maxamed Bashiir waxaa uu ka hadlay dhibaato haweenka Soomaaliyeed heysata oo ah in ay ku dhex jirto cidda ay ka dhalatay iyo cidda ay u dhaxday, Dhallinyarada in ay hor-taagan yihiin dadka ka weyn oo ka khibrad badan iyo dadka dibadda ka yimid oo lagu tuhunsanaa Aqoon laakiin fashilmay oo qaarkood aan la arag sidii loo doortay.

Maama Khadiiji Siicow oo ka tirsan Bulshada rayidka ah iyo Haweenka Marjaca qaranka u ah Kootada Haweenka ayaa dhankeeda amaantay in la is hor keeno Odoyaasha iyo dadka, iyadoo si Dimoqoraadiyad ah looga doodayo sidii wax lagu soo xuli lahaa, rajo fiican ay Siicoow sidoo kale ka muujisay doorashada soo socota.

Maama Khadiijo waxay  sheegtay in Beesheeda hal xildhibaan leedahay, Xildhibaankaasna ay dooneyso in ay iyada noqoto ama gabar kale ku soo baxdo haddii loo diidayana ay dacwad qabto.

Maama Khadiijo Siicow waxaa ay qeybisay sida ay u aragto dadka xulaya Xildhibaanka iyadoo soo jeedisay in laga dhigo sidan: 25 Dhallinyaro, Gabdhaha 15, Bulshada 10, inta hartay in loo qeybiyo wixii soo haray.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye: Caaqilka waxaa uu marka hore ka hadlay in waddadii hore ee xulista ay ahayd mid Soomaaliya lumisay oo Odeyga beesha uu fiirsado oo kaliya cidda Lacag siiyo, Xildhibaankaas oo lacag deyn ku yimid, una balan-qaaday ciddii uu deynta ka qaatay in uu lacagtaas lacag ugu dari doono ayaa kursiga imaanaya…Xildhibaankaas waxaa uu waqtigiisa ku dhameysanaa in uu deyntaas gudo..Waxaa sidoo kale uu ku sheegay doorashada Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Wasiirrada.

Caaqil Xasan  Yaxye waxaa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi qiimeeya dadka la soo dooran doono, 50-kana dhallinyarada iyo haweenka loo badiyo.

Caaqilka ugu dameyntii wuxuu soo jeediyay sida uu u arko in wax loo soo xulo isagoo ka dhigay: 10 Gabdhood, 15 dhallinyaro aqoon yahan ah, 5 PHD ah, 10 u dhaxeysa 40-50 oo lagu xulay aqoon iyo wax kale iyo 10-ka ugu dambeysa oo  la siinayo Odoyaasha dhaqanka.

Abuukaate Faaruuq oo ah sharciyaqaan horay ula soo shaqeeyay hey’ado caalami ah ayaa soo dhaweeyay in xildhibaanka ay soo xulaan 50 qof, Faaruuq waxaa uu beelaha ku dhaleeceeyay in ay raadinayaan cid xiriir fiican la leh waddamada dariska, AMISOM iyo beesha caalamka.

Abuukaate Faaruuq waxaa uu walaac ka muujiyay in ay soo laabato doorashadii 2012-kii, Abuukaataha waxaa uu sheegayaa in ay Xamar joogaan Xildhibaanno kursiga ku helay 100,000 oo Dollar halka Xildhibaana dowlad goboleedkana uu 50,000 oo Dollar marayo, Faaruuq waxaa uu shaaciyay xog uu hayo oo ah in ay jiraan dad u tartamaya Xildhibaannimo ama ku raadinaya Milyan Dollar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Abuukaate Faaruuq waxaa uu ugu dambeyn sheegay in uu la yaabay Xildhbaanada Soomaalida, Beesha Abuukaataha oo 4 Xildhibaan heshay waxaa uu ku sheegay 4 lagu khasaaray oo mid xildhibaanadooda ka mid ah uu Kenya ganacsade ka yahay, midna uu Katarabiil ku wado Sacuudiga halka labadii kale midna uu Madaxweynaha la dagaalsan yahay iyo mid aan ka hadlin waxa socda.

Suldaan Cabdiaziz Cumar Daad(Beyle): Suldaanka waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo in Xildhibaanka 50 qof soo doortaan, inta aan la dooranna qofkaas la miisaamo aqoontiisa iyo wadaniyadiisa, una qalma in dalka uu ka noqon karo Guddoomiyaha baarlamaanka.

Suldaan Beyle waxaa uu soo qaatay shuruudaha ay ku soo xulanayaan Xildhibaanka sida: Muslinimada, Aqoon leeyahay mid Maadi ah iyo Diin, Qof la wada garanaayo, Mid aan Laaluush ku imaan, Waddani ah oo u hogaansamaya sharciga umadda.

Sheekh Cabdixayi Sheekh Aden waxaa uu ka hadlay in Culimada loo baahan yahay in ay talo ku lahaadaan wax walbo oo masiirka umadda ah, wax walbana sal looga dhigo la tashiga Culimada taasoo ay horay u sameeyeen Nabiga iyo Asxaabtiisa, waxaa uu soo qaatay 6 qof oo Cumar Bin Khadaab uu magacaabay inta aanu geeriyoonin sida ay uga tashadaan qofkii isaga bedeli lahaa.

Cabdiweli  oo ka tirsan dhallinyarada waxaa uu walwal ka muujiyay Kooto la’aanta dhallinyarada, isagoo soo jeediyay in ay habbooneed in dhallinyarada oo ah 75% tirada dalka ku nool in ay habboon tahay in la siiyo dhallinyarada 80% dadka soo xulaya Xildhibaanka.

Cabdiweli waxaa uu ku dooday in 50-ka soo xulaya Xildhibaannada ay ku yimaadeen Musuq dhacay doorashadii hore, isagoo soo jeediyay in laga faa’iideysto haweenka iyo dhallinyarada oo Kooto gaar ah aan la siin.

Amina Maxamed Mursal oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka qaranka, horeyna u soo noqotay wasiirka haweenka ayaa sheegtay in meel fog ay ka timid Kootada haweenka la siiyay, iyadoo intaa raacisay in baarlamaanka laga ilaaliyo dadka lacagta leh oo kursiga la iibiyo, lana siiyo kursigaas cidda u qalanka sida dhallinyarada iyo haweenka.

Amina Maxamed Mursal waxaa ay ugu dambeyntii soo jeedisay in siyaasiyiinta ay faraha kala baxaan xulista baarlamaanka oo odoyaasha loo dhaafo xulista, isla markaana la aamino dhalliyarada, haweenka iyo aqoon yahanka beesha oo sanadkan ay Xildhibaanada ku yimaadaan Cadaalad.

W/Q: C/casiis Gurbiye

Goobjoog News