U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Kenya Ka Dalbaday Inay Ka Laabato Go’aanka Lagu Xirayo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa ka dalbatay dowladda Kenya inay ka laabato go’aanka ay ku sheegtay inay ku xireyso xeryaha Qaxooti ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay go’aankii dowladda Kenya ay ka qaadatay qaxootiga ku sugan dalkeeda.

Waxa uu sheegay in Kenya looga baahan yahay inay qaadato doorkeedii hogaamineed ee ku aadan gambaad siinta qaxootiga dalkeeda nabad galyada usoo raadsaday.

Kerry ayaa sidoo kale sheegay in Kenya laga doonayo inay la shaqeyso hay’adda UNHCR kalana shaqeyso sidii si iskood ah dadka ku laabanaya dalkooda loo celin lahaa bedalkii xeryaha ay ku nool yihiin la xiri lahaa.

Waxa uu tilmaamay xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry in dowladda Kenya sidoo kale ay ixtiraamto heshiiskii Seddax geesoodka ahaa kaasi oo ay wada gaareen sanadkii 2013 dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR kuna aadan in qaxootiga aan si qasab ah lagu celin.

Goobjoog News