U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Ka Shaqeysa Degmada Wadajir Oo Loo Digey

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa digniin kasoo saaray isticmaalka gawaarida ee wadada danwadaagaha oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay.

Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay soo badatay gaadiidleyda sida xawaaraha ah ku wada gaadiidkooda.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay inay diyaariyeen askar dhar cad ah islamarkaana loogu tala galay in ay la socdaan gaadiidka sida xawaaraha ah halkaasi u adeegsada.

Mr Afrax ayaa sheegay in gaarigii qof ku dhibaateeya wadada danwadaagaha ay u qaadan doonaan in si bareer ah uu dhibka u sameeyay maadaama digniino ay kasoo saareen.

“Waxaan leenahay gaadiidleyda yareeya xawaaraha aad gaariga ku waddaan, ciddii amarkaan ka dhega adeygto oo dad dhibaato u geysato uma eegi doonno shil ee waxaan u qaadan doonaa inaad si ula kac ah u sameysay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa ugu baaqay dadka xoolaha leh inay xoolahooda ka celiyaan waddooyinka oo ay u sameystaan meello gaar ah oo lagu xanaaneeyo.

Gaadiidka isticmaala wadada danwadaagaha oo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay ayaa la sheegaa in si xowli ah halkaasi ku maraan iyadoo laga baqay in shilal ay halkaasi ka dhacaan.

Goobjoog News