U bood dhigaalka

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Somaliland oo Cali Khaliif Galeyr Ku Eedeeyay Inuu Xaalad Ammaan Darro ka Abuurayo Sool iyo Sanaag

Sheeko:War

Xildhibaan Cabdikariin Cali Shabeel oo guddoomiye u ah guddiga difaaca ee baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Cali Khaliif Galeyr uu Shaqaaqooyin siyaasadeed iyo xaalad amaan darro ka wado Sool iyo Sanaag.

Xildhibaan Shabeel ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladda uu Cali Khaliif ka abuurayo gobolada Sool iyo Sanaag:

” Nabadgalyo darro iyo shaqaaqo uu kow ka yahay Cali Khaliif ayaa laga abuurayaa Sool iyo Sanaag, sida xaqiiqada ah arrinkaasi si macno darro ah ugu jira mar walba oo wax natiijaha uu hadda ka gaaray horeyna uga gaaray aaney jirin, waxaan uga digeynaa oo aan halkan ka caddeynaynaa khasaare iyo dhibaato mooyaane inaney wax wanaag ah kala kulmi doonin”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Sababtu waxa weeye xuduudda Somaliland waa muqaddas in la qeyb qeybin karo wey ka weyn tahay, ninkii arrinkaa ku dhaqaaqaana sidii ay horey ugu jabeen ayuunbay ugu jabi doonaan”.

“Cali Khaliif kolba hadduu soo galo oo borobagaando aan jirin uu kolba la yimaado wax soconaaya maaha, dadkaasi waa dad nabadgalyo jecel, waa dad meesha ay ka tirsan yihiin og oo Somaliland ah, taariikhda Somaliland waa wax soo jireen ahayd”.

Si kastaba, Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay Axaddii lasoo dhaafay in October-ta soo aaddan uu maamulkiisa si caadi ah ugu shaqeyn doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Goobjoog News