Dambi Lagu Helay 3 Qof Oo Soomaali Maraykan Ah

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa dambi ku heshay Saddex qof oo Soomaali Maraykan ah, kuwaasi oo la sheegay inay ku biiri rabeen Al-shabaab.
Xeer beegtida Minnesota ee gacanta ku haysa kiiska wiilashan ayaa sheegtay in dhammaan dambiyadii lagu haystay lagu helay caddeymo buuxdo lana sugayo in la xukumo.
Waxyaabaha dhallinyaradan lagu haysto waxaa ka mid ah inay ku biiri rabeen ISIS ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.
Maxamed Faarax, Guuleed Cali Cumar iyo C/araxmaan Daa’uud oo ah dhallinyarada eedeysan ayaa laga yaabaa inay muteystaan xabsi daa’in.
Ehlada dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa sheegay in caddeymo rasmi ah aan loo hayn in wiilashooda ku biiraan ISIS islamarkaana ay jirto hanjabaadyo ay la kulmeen qareennadii wiilashooda badbaadin lahaa.
Goobjoog News