U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay In Dib Usoo Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed Loo Adeegsan Doono Xeerarka Caalamiga Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dib Usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda dib usoo celintooda u adeegsan doonaan qaab waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery oo shalay hadal ka jeediyey Xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in dowladdiisa aanay qasab wax ku maquunin doonin.

Waxa uu sheegay wasiirka in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala hadleen wax walbo oo ku saabsan xeryaha Dhadhaab islamarkaana ay filayaan in natiijo wanaagsan soo baxdo.

Nkaissery ayaa tilmaamay in Kenya ay dib u celinta qaxootigan ku saleyn doonto nidaamka xuquuqda Aadanha, islamarkaana aanay dhici doonin wax ka baxsan shuruucda caalamiga ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadal u jeediyey Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ayaa u sheegay in qalbigooda dejiyaan kana saaraan walwalka ah in qasab lagu saari doono.

Goobjoog News