U bood dhigaalka

Aqoonyahan Caalim “Kuraasta Aqalka Sare Laga Siiyey Somaliland Waa Qalad Siyaasadeed”

Sheeko:Dalka

Maxamed Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool Finland ayaa mar uu wareysi siinayey Goobjoog News waxa uu ka hadlay dhismaha aqalka sare ee dowaldda cusub iyo sidoo kale maqaamka magaalada Muqdisho oo hadda madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay meelaha qaar isku hayaan.

Waxa uu sheegay aqoonyahankan in qalad siyaasadeed tahay xubno laga siiyo maamulka Somaliland taasi oo uu ku micneeyay in iyagu aanay joogin shirarkii looga hadlayey Soomaaliya gaar ahaan shirkii madasha oo uu tilmaamay kaliya inay ka qeybgaleen dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Caalim ayaa tilmaamay in arrinta la xiriirta Somaliland ay ahayd in dib loo dhigo, lagana war sugo wada hadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Somaliland gar wadeenkana ka yahay Turkiga.

“waan aaminsanahay ama ha noqoto hadda ama wax fog in maalin un Somaliland ay dib usoo laabaneyso, marka hore colaadda halaga dhameeyo Koonfurta Soomaaliya oo ah meesha hadda 20 kii sano dadka ay ku baabaa’een, waxa la isku haya waa Hal qodob, doorashada waa okey, laakiinse waxaa la isku hayaa aqalka sare, waxaana kasoo horjeedaa kuraasta 11-ka ah ee loo qorsheeyay Somaliland waana qalad siyaasadeed oo ay gaarayaan madaxda Federaalka, Somaliland kuma jirto wada hadallada, waxaa wada hadallada ku jirata maamul goboleedyada iyo kuwa dhismaya oo kaliya, dhinaca kale ma fahamsani gobolka Banaadir oo maalin walbo wada hadallada joogay malahan kuraasta aqalka sare” ayuu yiri Aqoonyahan Caalim.

Dhinaca kale aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa ka hadlay kuraasta dheeraadka ah ee loogu daray Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in aysan waxbo soo kordhineyn kuraastaasi.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa lagu wadaa in dhammaadka bishan lagu qabto shirka madasha wadatashiga qaran oo arrimo muhiim ah looga hadli doono.

Goobjoog News