U bood dhigaalka

Baaritaan Lagu Hayo Markab Sida Gargaar Bini’aadannimo Oo Ku Safrayey Magaca Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir

Sheeko:Dalka

Dowladaha Somalia , Kenya iyo Jabuuti ayaa baaritaan ku haya Markab sida sida la sheegay gargaar bini’aadanimo oo ku magac safraya Xildhibaan Faarax Sheikh Cabduqaadir .

Faarax sheikh Cabduqaadir oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dacwad u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee dalka taas oo uu ugu sheegayay in uusan waxba ka ogayn in magaciisa uu ku safrayo Markabkaasi.

Markabkan oo hadda lagu hayo dalka Jabuuti ayaa u safrayey Wadanka Yemen halkaas oo la sheegay inuu gurmad gargaar ah gaarsiinayo dad ku nool dalkaasi.

Xildhibaanku waxa uu ku caddeeyay dacwad uu u gudbiyay xeer Ilaaliyaha  in aanay jirin waxna aanu ka ogayn arrinkaasi  iyo waxa uu wado toona, wuxuuna ku xusay nuqulka dacwaddiisa in ulajeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka warqadda aqoonsigiisa in ay tahay faldanbiyeed lagu doonayo in lagu magac dilo laguna dhaawaco sumcaddiisa, wuxuuna ku tilmaamay xadgudub been abuur ah.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo daabacday warkan ayaa sidoo kale asheegtay in Markabkaan oo waday Shixnad lagu sheegay Gargaar Bini aadannimo laga soo celiyay Magaalada Xudayda oo ahayd halkii uu ku socday, kadibna uu kusoo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti halkaas oo lagu qabtay laguna hayo wali.

Goobjoog News