U bood dhigaalka

Tuuryare Oo Xilkii Laga Qaaday

Juun 14, 2016

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyahii hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA) C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh xil ka qaadistaasi u cuksaday qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG dalka u yalla, waxaana lagu sheegay qoraalka inuu tixgelinayo baahi la xiriirta isbedal lagu sameeyo hoggaanka NISA.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkan waxa uu si KMG ah ugu magacaabay C/laahi Gaafow Maxamuud.

Taliyahii hore ee Nabad sugidda C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa loo magacaabay inuu noqdo la taliyaha wasiirka wasaaradda amniga.

Goobjoog News