U bood dhigaalka

Ciidamada Dowldda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyey Deegaan Ka Tirsan Gobolka Baay

Juun 27, 2016

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay faarujiyeen habeenkii xalay ahaa deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Wardheere oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay inay isaga soo baxeen deegaankaasi, waxaana uu sheegay in AMISOM ay u yeertay una sheegtay inay guurayaan.

“AMISOM ayaa inoo wacday xalay waxay inoo sheegeen inay ka guurayaan Goof-gaduud, hadde annaga waxaan isku daynay inaan sii joogno hase ahaatee waan isaga soo baxnay halkaasi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale markii ciidankan is garabsanaya ay kasoo baxeen deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay la wareegeen ciidanka Xarakada Al-shabaab.

Lama oga illaa iyo haatan sababta ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uga soo baxeen deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Goobjoog News