U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Magacaabay Guddi Baara Dagaalladii Ka Dhaca Qeydaro

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa magacaabay guddi ka kooban 10 xubin kuwaasi oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed Galmudug ah, waxaana loo magacaabay inay soo baaraan dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaannada hoostaga Baxdo iyo Qeydaro ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo guddigan magacaabay ayaa sheegay inay tagi doonaan deegaannadii lagu dagaallamay si ay xog uruurin usoo sameeyaan.

“Guddigan waxaan u magacawnay talo ka timid shacabka, waxaa la baarayaa dagaalka sida uu u dhacay, khasaaraha iyo cidda ka qeybgashay dagaalkaasi, waxay tagi doonaan deegaannada dhibka ka dhacay Labada qabiil ayeey u tagi doonaan oo ay soo xog wareysan doonaan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Magacaabista guddigan ayaa imaanaya xilli mid ka mid ah beelihii dagaallamay ay Galmudug ku eedeeyeen inay ka qeybqaateen dagaalaldaasi gaadiidkooda iyo ciidamo Galmudug ah.

Hoos Ka Akhriso Magacyada guddiga

002

Goobjoog News