U bood dhigaalka

Soomaali Lagu La’yahay Garoonka Diyaaradaha Istanbul Kadib Qaraxyo Halkaasi Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Shan Qof oo Soomaali ah oo ka duulayey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Istanbul  ayaa lagu soo waramayaa in lagu la’ yahay garoonkaasi kadib qarax  dad badab ku dhintay oo halkaas ka dhacay.

Kamaal Xasan Xuseen  oo ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada Istanbul  ayaa u sheegay Goobjoog News in ilaa iyo hadda aan la ogayn in dadkaas Soomalida ay kamid noqdeen dadka ku dhintay weerarkaas iyo in kale.

“Waxaa lagu waayey weerarkaan 5 qof oo Soomaali ah qaarkood lama oga meel ay jaan iyo cirib dhigeen oo baaritaan ayaa lagu wadaa, lama oga in dadkan ay waxyeello soo gaartay iyo in kale, wey dhici kartaa in tirada intaan ka badato ama waxyeello ay soo gaartay ajaaniib Soomaali ay ku jiraan” ayuu yiri Kamaal.

Rag hubeysan islamarkaana soo xirtay walxaha qarxa tiradoodana lagu sheegay 3 ayaa xalay weerar ka geystay garoonka diyaaradaha Istanbul, waxaana ay dadka ku fureen rasaas kadibna waa ay is qarxiyeen, iyadoo ugu yaraan 20 qof ay weerarkaasi ku geeriyootay dad ka badan 30 kalena ay dhaawacmeen.

Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa.

Goobjoog News