U bood dhigaalka

Burcad Badeed Weerartay Markab Nafto Oo Iraan Lag Leeyahay

Luuliyo 2, 2016

Ciidamada Badda ee dalka Iran ayaa sheegay in ka hortageen weerar ay burcad badeed ku qaadeen Markab nafto ahaa, Markabkan ayaa lagu weeraray Marinka Baab Al-Mandan ee koofurta Badda Cas.

Ciidamada Badda waxaa ay intaa ku dareen in weerarka ay soo qaadeen burcad gaareysa ilaa 115, kuwaas oo watey 12 Dooni ah.

Burcadda ayaa weerar u qaaday Markabka labo jeer, Laakin wararka waxaa ay sheegayaan in labada jeerba burcadda la ceyrsaday.

Goobjoog News