U bood dhigaalka

Baaqyada Nabadda Ee Loo Dirayo Suudaanta Koonfureed Oo Sii Kordhaya

Sheeko:Dalka

Waxaa is soo taraya baaqyada caalamku uu u jeedinayo dalka dunida ugu cusub ee Koofurta Sudan oo ku dhowaad Todobaad ay ka taagan yihiin xiisado colaadeed.

War kasoo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in cid kasta oo loo arko in ay maja xaabineyso dadaallada nabadda si buuxda aduunku uu ula xisaabtami doono.

Maalintii shalay oo isniin aheyd ayey madaxda dalka Sudaanta Koonfureed ku dhawaaqeen xabad joojin, inkastoo aysan illaa iyo hadda caddeyn in arrintaa la hirgeliyey.

Ciidamada kala taabacsan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa  Riek Machar, ayaa maalmo ku dagaalamayey magaaladda caasimadda ah ee Juba.

Qaramada Midoowday ayaa ku hanjabtay in la cunaqabateyn doono qofkii loo arko in nabadda uu liddi ku yahay.

Susan Rice oo Mareykanka kala talisa arrimaha ammaanka ayaa sheegtay in dhiiggaa ku daadanaya Juba ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah leh oo aan shacabka wax dan ah u heyn.

Dagaaladda Labada dhinac dhexmaray ayaa qatar weyn galiyey hishiis ay madaxda Suudaanta Koofureed ay gaareen August-adii la soo dhaafay.

Dalka Suudaanta Koofureed ayaa madaxbanaanidiisa ka qaatay dalka Suudan 2011 dagaal dheer kadib, waxaana la filayey intaasi ay horseedeysay horumaro wadankani da’da yar gaaro, balse taas waa lagu hungoobay.

Goobjoog News