Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay adkeyn doonaan amniga guud ee magaaladaasi oo maalmahan dambe gacan ku haynteeda dowladda iyo Al-shabaab isku dabamarayeen.
Guddoomiyaha magaaladaasi Xasan Cumar Macallin oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in mar dambe aanay dhici doonin in magaaladaasi ay la wareegaan Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu tilmaamay inay sugi doonaan amniga guud ee Marka islamarkaana ciidamo ka badan kuwa hadda jooga la geyn doono Maagaaladaasi.
“Amniga Marka hadda aad buu u wanaagsan yahay, waxaan wadnaa dadaallo badan oo aan nabadda ku xaqiijianeyno, waxaan magaalada geyn donnaa ciidamo aad u badan oo suga amniga, sidoo kale ma dhici doonto in Marka ay mar kale la wareegaan Al-shabaab” ayuu yiri gudoomiyaha Marka.
Dhawaan waxaa magaalada Marka la wareegay ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaa oo muddo Labo cisho ah halkaasi haystay iyaga oo ugu dambeen faarujiyey magaaladaasi.
Goobjoog News