WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo Ka Dhacay Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho
Sheeko:Dalka
Labo qarax oo aad u xooggan ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo guud ahaan laga maqlay magaalada.
Qaraxyada iyo halka lala eegtay weli faah faahin rasmi ah lagama hayo, waxaase la maqlayaa rasaas dhacaysa.
Goobjoog News ayaa isku dayday in xiriir ay la sameyso dad ku dhow garoonka Aadan Cadde balse isgaarsiinta helitaankeeda ayaa aad u adag.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News