Abaal Marin La Guddoonsiiyey Ardeydii Ugu Sarreysay Imtixaannada Dugsiyada Sare Ee Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa Garoowe ku qaabilay 13-ka arday ee ugu sarreysay imtaaixaankii dugsiyada sare ee Puntland 2015-2016.
Waxaa ardayda kulankaan ku wehlinayey maamulayaasha Iskuuladdii ay dhiganayeen, waxgarad, iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa abaal marin kala duwan siiyey dhammaan 13-ka arday, waxaana abaal marintu isugu jirtay bilado, lacago Kaash ah iyo sidoo kale gaari.
Madaxweynaha Puntland ayaa ardaygii ugu sarreeyey dugsiyada sare ee Puntland guddoon-siiyey abaal marin ah gaari nooca loo yaqaan NOAH ama (NOOHO), waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in u jeedadu ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wax-barashada Puntland isla markaana ay ardadu ugu dhiirran lahaayeen in ay tartan u galaan sidii ay guulahaan oo kale u gaari lahaayeen.
C/weli Gaas ayaa uga mahadceliyey ardayda dedaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen dedaalkoodii ay soo wadeen muddada 12-ka sano ah ee wax baranayeen, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyey waalidiintii ardaydaan soo barbaariyey oo garab taagnaa muddadii ay ku guda jireen waxbarashadooda.
Goobjoog News
Hoos ka daawo sawirada