Sawirro: Qaraxa CID-da iyo Khasaarihii Ka Dhashay Oo Dhameystiran

Khasaaraha labada qarax ee mataanaha ah ee Xarunta CID-da ayaa isa soo taraya, rayid badan iyo dad lagu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka geysteen ayaa goobta ku dhintay.
Wasiirka amniga ee dowladda Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta CID-da ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin 7 raggii weerarka geystay ah iyo 5 qof oo shacab ah.
Shirka Jaraa’id waxaa kaloo wasiirka amniga qaranka sidoo kale joogay Taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad sugidda qaranka iyo madax kale ee dowladda Soomaaliya.
Amin Ambulance oo ah gadiidka gargaarka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa dhankooda sheegay in 12 qof ay ka qaadeen goobta qaraxa ka dhacay ee CID-da.
Maamulka Isbitaal Madiina oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in 17 qof la keenay halka 2 ka mid ah dadkiisa ay dhinteen
Khasaaraha kale ee goobta ka dhashay waxaa ka mid ah dhowr Mooto ayaa gubatay, dukaan iyo dhismayaal ayaa waxaa la sheegayaa in qaraxa waxyeello ka soo gaartay.
Amaanka goobta ayaa aad loo adkeeyay, waddada isku xirta KM5-KM4 ayaa xiran sababo qaraxa la xiriirta.
Qaraxan ayaa dhaca xili dalka uu galayo doorasho, amaanka ayaa laga walwal qabaa sida uu noqon doono xiliga doorashada.
July 26, 2016: waxaa uu qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta AMISOM ee Muqdisho, 13 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 17 ay ku dhaawacmeen.
Bishii June 1-deeda waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhacay labo qarax, Qaraxa ka dhacay Hotel ambassador waxaa ku dhintay labo xildhibaan iyo 13 kale halka ay 53 ku dhaawacmeen, qarax kale ayaa isla bishaas 25-keedii ka dhacay Hotel Naasahablood waxaa ku dhintay in ka badan 15 halka 30 kale ay ku dhaawacmeen.