U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo Ka Dhacay Nawaaxiga Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qaraxyo xooggan ayaa goor dhaw waxay ka dhaceen nawaaxiga xarunta dambi baarista CID  kuna dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwo aad u xooggan, waxaana laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo Labaduba la sheegayo in loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxa Koowaad markii uu dhacay waxaa xigay rasaas aad u xooggan, waxaana isla 2 daqiiqo gudahood ku dhacay qaraxii Labaad, iyadoo hadda rasaas culus ay dhaceyso.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan, xaaladdan waa mid kacsan.

Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale 

Goobjoog News