U bood dhigaalka

Helicopter Ruush Ah Oo Lagu Soo Riday Dalka Suuriya

Ogoosto 1, 2016

Helicopter laga leeyahay dalka Ruushka ayaa la sheegayaa in lagu soo riday magaalada Idlib ee waqooyiga dalka Suuriya.

Wasaaradda difaaca Ruushka waxaa ay sheegayaan in Helicopter-ka iyo 3 shaqaale oo saarnaa gantaal lala helay iyagoo ka soo laabtay gargaar ay geeyeen.

“August 1, Mi-8 transport helicopter ayaa gantaal lala helay iyadoo gargaar banii’aadamnimo geysay magaalada, 3 shaqaale ah iyo 2 sarkaal ayaa saarnaa”, sidaa waxaa sheegtay wasaaradda difaaca.

Lama kooxda soo riday laakin waxa ala sheegayaa in  helicopter-kan uu yahay midkii 3-aad ee sanadkan la soo rido.

Goobjoog News