U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Qanuunka Waddooyinka Oo Muqdisho ka Furmay

Ogoosto 2, 2016

Shirlooga hadlayo sameynta qaanuunka wadooyinka dalka ayaa maanta ka furmey magaalada muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu socdo muddo sedax maalin ah.
Shirka ayaa waxaa lagu casuumay qaar kmid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka sida: Puntland, Galmudug, Koofur galbeed iyo Jubbaland.

Soomaaliya xilgan kama jirto qaanuun haga waddooyinka Soomaaliya, shirkan ayaa laga yaabaa in hormuud u noqdo sidii loo shaqeyn lahaa qawaaniinta waddooyinka dalka.

wixii warar ah ee shirka ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News