U bood dhigaalka

Somaliland oo Diidday in Lagu Dhoofo Baasaaboorka Soomaaliga ah ee Lagu Sameeyay Gudaha Maamulka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland iyo taliska laanta socdaalka ayaa sheegay inaan lagu dhoofi karin gudaha Somalilandna aan laga isticmaali karin baasaaboorka Soomaaliya ee ay ku qoran tahay lagu sameeyay gudaha Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha C/fataax Siciid iyo Taliyaha laanta Socdaalka Dhayib Maxamed Caalim oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in isticmaalka Baasaboorka lagu sameeyay gudaha Somaliland ay tahay sharci darro qofkii lagu arkana laga qaadayo tallaabada ku habboon ee sharcigu qabo.

Tallaabadii ugu horreysay ayaa laga qaaday 18 qof oo ka dhoofayay Airportka Cigaal oo la hakiyay dhoofitaankooda, kadib markii lagu arkay iney sitaan baasaboorka Soomaaliya oo ay ku qoran tahay lagu sameeyay gudaha Somaliland.

“Waxaan ka hadleynaa maanta baasaaboorada been abuurka ah ee lagu sameeyay gudaha Somaliland, waxaanan uga hadleynaa inaan baasaabooradaa lagu bixi karayn laguna soo galeyn Somaliland ciddii kusoo gasha ama isticmaashaana ay dambiile qaran  tahay, waana baasaaboorka ay ku qoran yihiin gobolada Somaliland in laga bixiyay baasaaboorka Soomaaliyana ah”, ayuu yiri C/fataax Caalim.

Si kastaba, Somaliland ayaa aaminsan in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaaney sameysteen baasaaboor u gooni ah, iyadoo taas ay dhibaato culus ku tahay dadka kasoo jeeda maamulka ee doonaya iney dibadda u dhoofaan maadaama aan baasaaboorkaa la aqoonsaneyn.

Goobjoog News