Xukuumadda Siilaanyo oo Wadda Wacyi gelin Ballaaran oo Ku aaddan Heshiiskii Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera
Xukuumadda Somaliland waxay saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey wadday qorshe ay dadka deegaanka Saaxil ee Berbera kaga dhaadhicinayso inay taageeraan hirgelinta heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld ee heshiiska lagula galay inay maalgeliso dekedda Berbera.
Ilaa afar kulan ayaa wasiiro ka tirsan xukuumaddu ay la yeesheen dad kala duwan oo ka soo jeeda deegaanka Saaxil balse kulankastaaba waxa uu ku soo dhammaanayey natiijo la’aan.
2dii bishan August waxaa magaalada Berbera ka dhacay kulan ay odayaasha iyo shaqaalaha dekedda Berbera ay ku casuumeen wasiirada shaqada iyo arrimaha bulshada Cali Maxamed Sandule , qorshaynta Cali Axmed Shoonbe iyo maaliyadda Samsam Cabdi Aadan waxayna wasiiradani kala hadleen xubnaha reer Saaxil inay ka qaybqaataan maal-gelinta dekedda Berbera.
Wasiirka qorshaynta oo la hadlay warbaahinta kulankaasi ka dib waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen wacyigelinta xukuumaddu ugu jirto inay bulshada reer Saaxil ugu sharaxdo faa’iido dhaqaale oo ay xukuumaddu sheegtay inay dalka iyo bulshadaba ku soo kordhin karto DPworld haddii uu meel maro heshiiskaasi lala galay.
Odayaal ka soo jeeda Saaxil oo iyaguna ka hadlay arrinta dekedda Berbera ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii ay uga hortagi lahaayeen inuu suurogelo heshiiskaasi oo ay ku tilmaameen dhinacooda in dhabar jab dhaqaale ku yahay Somaliland.
Maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Maxamed Xoor-xoor oo warbaahinta uga waramay fahamkiisa ku aaddan maalgelinta dekedda uu maareeyaha ka yahay ayaa sheegay inay shacabku xaq u leeyihiin xukuumadda inay xog faahfaahsan ka helaan.
Dhinaca kale isla markii uu dhammaaday kulankaas masuuliyiinta dawladda soo abaabushay waxa iyaguna mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dhigay shaqaalaha dekedda Berbera oo iyagu ku doodaya inay meesha ka bixi doonaan haddii shirkad shiysheeye la wareegto gacan ku haynta dekedda Berbera .
Axmed Maxamed oo u hadlay xamaaliinta ama dadka agabka ku kala wareejiya gudaha dekedda ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan qorshaha xukuumadda” anagu ma yeelayno haddii aanu nahay shaqaalaha dekedda , sababta oo ah hadda ayeyba nagu yar tahay dhaqaalaha na soo gala , haddii lala wareego waxa noo cad in aanu meesha anaga iyo dad badan oo nolol ka helaaba ay ka bixi doonaan” ayuu yiri Axmed.
Suldaan Saleebaan Maxamuud oo ka tirsan madax dhaqameedka sida adag uga soo horjeestay arrinta Berbera ayaa maalinkii sideedaad ku xiran Hargeysa waxaana xukuumaddu ku eedaysay inuu kicin dadweyne oo ka dhan ah qorshaha Bererba iyo nabadaba uu waday , waxaana arrintaasi cambaareeyey salaadiin iyo madaxda dhaqanka ee reer Saaxil .
Geesta kale xukuumadda ayaa hor istaagtay shir beesha degta gobolka Saaxil ay ku qaban lahayd deegaanka Baxarasaafka ee Saaxil iyada oo la sheegay in shirkaasi waxa ugu badan ee lagaga hadli lahaa uu ahaa arrinta Dekadda.
Xukuumadda Soomaaliland iyo dad kale oo shacab ahna ku jiraan oo taageersan heshiiska afar bilood ka hor xukuumaddu la gashay shirkada DP world ee dalka Imaaraatka waxay ku macneeyeen maalgelin inay sameyneyso balse reer Saaxil iyo xisbiyada mucaaridka ahi waxay ku fasireen wareejin.
Ugu dambayntii xukuumadda ayaa shir uu guddoominayey madaxweyne Siilaanyo waxay golaha wasiiradu cod gacan taag ah ku ansixiyeen heshiiskan maalinkii khamiista ee todobaadkii hore, waxaana la filayaa in heshiiska la horgeeyo baarlamaanka maamlaha foodda inagu soo haya.
Goobjoog News