Dibadbaxii Ugu Ballaarnaa Oo Ka Socda Istanbul

Waxaa haatan ka socda Istanbul dibadbax ay isugu soo baxeen ilaa 3 Milyan oo qof kuwaas oo diidan inqilaabkii dhicisoobey ee July 25-keedii ka dhacay dalka Turkiga, dibadbaxan waxaa lagu soo afjarayaa bannaanbaxyo dalkaasi ka socday wixii ka dambeeyay inqilaabka.
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in aan kor loo qaadi Karin calan aan kan dalka Turkiga aheyn, waxaana la sheegay in lagu soo bandhigayo midnimada dalka Turkiga.
Dibadbaxa marka laga reebo madaxweyne Erdogan iyo ra’isul wasaare Binali Yildirim waxaa ka soo qeybgalaya madaxda asxaabta mucaaradka sida madaxa Republican People’s Party (CHP) Kemal Kilicdaroglu iyo hogaamiyaha Nationalist Movement Party (MHP) Devlet Bahceli .
In ka badan 270 qof ayaa ku dhimatay dhibaatada ka dhacay inqilaabka ay ku kaceen ciidamo la sheegayo in ay daacad u ahaayeen Fatxulahi Gulen.
Goobjoog News