Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Howlgallo Isbaaro Qaadis Ah Ka Sameeyay Shabellaha Hoose

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay ka hortageen falal amniga wax loogu dhimi lahaa kadib markii howlgallo ay deegaankaasi iyo deeganano ku dhow ka sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Abuukar C/laahi Isaaq oo ah guddoomiyaha deegaanka Leego oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ciidanka dowladda howwlgallo ka sameeyeen wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay kala eryeen kooxo jidgooyo u taallay islamarkaana damacsanaa in dhibaato u geystaan dadka shacabka ah.
“Howlgalladan waa kuwo si joogta ah u sameynno, waxaan ku guuleysannay inaan sifeenno kooxo shacabka dhib ku hayey, howlgalkaanna waan sii wadi donna” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wadada isku xirta Leego iyo Wanlaweyne waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday howlgallo ay wadeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii rag ku labisan dareeska ciidanka ay halkaasi dhibaato ugu geysan jireen dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safri jiray.
Goobjoog News