Jeneraal Gaafow: Shacabka Gobolka Banaadir Waa Iney Qaataan Kaarka Aqoonsiga Dowladda Hoose
Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed Jeneraal C/laahi Gaafow oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ammar ku bixiyey in dhammaan shacabka ku nool gobolka Banaadir ay sameytaan karka aqoonsiga ee dowladda Hoose.
Waxa uu sheegay taliyaha in cid aan qaadan kaarkaasi aanay ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena aanay sameysan karin Passport.
“Markaan aragnay dhibaatada iyo dacwada faraha badan waxaa qasab inagu noqotay in Xamar lagu soo rogo qof walbo inuu teesaro yeesho, Garoonka kama dhoofi karo, ganacsi ma sameysan karo, Passport ma sameesan karo qof aan karaka aqoonsiga haysan”
Jeneraal Gaafow ayaa dhinaca kale sheegay in Jaamacadaha iyo Machadyada waxbarashada aanay diiwaan gelin karin arday qaangaar ah misane aan teesarahaasi haysan, sidoo kalena Hoteellada iyo dadka kale ee goobaha ganacsi leh ayuu faray inaysan iyaguna la macaamili karin shaqsi aan kaarkaasi haysan.
“Laga billaabo maanta waxaa la farayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool inay sameystaan warqadda aqoonsiga, jaamacadaha iyo machadyada waxbarashada waxaa la farayaa inaysan diiwaangelin karin arday qaangaar ah oo aan wadan warqadda aqoonsiga, goobaha ganacsiga sida Hoteelada waxaa la farayaa inaysan la macaamili karin shaqsiga aan wandan karaka aqoonsiga ama Passport”
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la fududeyn doono meelaha laga qaadanayo karka aqoonsiga.
Goobjoog News