Nidaamka Maxkamadda Wareegta oo Markii Ugu Horreysay ka Hirgalaya Somaliland

Kulan ay iskugu yimaaddeen illaa 35 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha maxkamadaha wareegta, loogana hadlayay nidaamka cadaalad daadajinta, ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa iyadoo kulankana ay soo agaasintay wasaaradda cadaaladda Somaliland.
Maxkamadda wareegta ayaa ah mashruuc shantii sanno ee ugu dambeysay tobobarkiisu ka socday Somaliland, kaasi oo ujeedkiisu yahay in shaqaale ka tirsan bahda garsoorka gaar ahaan maxkamadaha ay tagaan deegaanada kala duwan ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn si waxii dacwado ah ee halkaasi ka jira u dhagaystaan xukunna uga gaaraan.
Kulankan oo a y soo agaasintay wasaaradda cadaaladda Somaliland waxaa goobjoog ka ahaa shaqaalahan cadaalad daadajinta ku shaqayn doona , bahda garsoorka oo guddoomiyaha maxakamada sare iyo xeer ilaaliyaha guudna ka mid yihiin iyo SirKey oo ah sarkaal ka socday hayadda UNDP oo iyadu bixinaysa lacagta mashruucan iyo shaqaalaha aqoonta sharciga maxkamaduhu mudda shanta sano ah u soo socday ee hadda ku hawl geli doona.
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Axmed Xasan Aadan oo kulankan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ujeedka koobaad yahay in dadka cadaaladu wada gaarto; ”maxakamadaha wareegaya waxay fulin doonaan sidii cadaaladu u wada gaari lahayd bulshada Somaliland , oo qofkastaana u aamini lahaa cadaaladda , ta kale iyana waxa muhiim ah oo ay buuxin doonaan maxakamadaha noocan ahi in la helo markhaatiyo ah waxa ugu badan ee dhibtu naga qabsato markaan dacwadaha qaadayno, haddase dadka meeshooda ayaa loogu tagayaa” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud .
Guddoomiyaha maxakamada sare oo sidoo kale ah guddoomiyaha bahda garsoorka Somaliland waxa uu sheegay in ay nidaamka noocan ahi uu soo kordhin karo in dadku ay ka maarmaan inay dacwadahooda magaalooyinka waaweyn uun ay la iman karaan waxaanu yiri isaga oo sharaxaya qaabka ay dadka u saacidi karaan maxakamada guur-guura, ” Maxakamadii sare tii racfaanka, kuwii gobolka dhammaantood waxay ku yaallaan caasimada Hargeysa ama magaalo madaxda gobollada, balse hadda dadku waxay helayaan in meeshooda loogo tago sharcigana loogu sharcigana loogu geeyo”.
35 shaqaale ayaa bisha sagaalaad ee sannadkan bilaabaya shaqada garsoor, waxayna noqonaysaa markii koowaad ee nidaamka maxakamadaha ee noocan ah laga hirgeliyo Somaliland, iyada oo ay soo noqnoqoto cabashooyin dadka shacabka ahi ka sheegtaan habka dacwadaha loogu qaado maxakamadaha Somaliland, gaar ahaan dacwadaha qaarkood oo sannado badna socda.
Bishii shanaad ee sannadkan ayaa madaxweyne Siilaanyo shir uu la yeeshay bahda garsoorka uu ku sheegay in dib loo fiirin doono nidaamka garsoorka oo uu shaqo gaabis ku eedeeyey.
Goobjoog News