Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Gobolka Jubada Dhexe

Diyaarado dagaal oo illaa hadda aan la ogaan dalka laga leeyahay ayaa xalay duqeyn waxay ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.
Diyaaradahan ayaa la sheegay inay duqeeyeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen Koontaroolka laga galo degmadaasi, iyadoo rag ka tirsan Al-shabaab ay waxyeello soo gaartay, laakiinse lama oga inta khasaaruhu la egyahay.
Dad ku sugan degmada Jilib ayaa sheegay in mar qura ay maqleen dhawaqa diyaaradaha iyo sidoo kale jugta madaafiic xooggan oo soo dhacday.
Maamulka Jubbaland kama aanu hadal duqeyntan, hase ahaatee gobollada Jubbooyinka waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayey duqeymo lala eeganayey deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News