Natiijadii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo Lagu Dhawaaqay

Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016 ee fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo 4-aad dugsiyada sare.
Natiijada Imtixaanaadkan la shaaciyey ayaa bishii Shanaad ee sanadkan u fadhiisteen 15020 arday oo iskugu jira arday wax ka baratay 265 dugsi dhexe iyo 65 dugsi sare, waxaa imtixaanka ku guuldarreystay arday gaareysa 603 arday oo u dhiganta %10, halka inta kalena ay natiijo kala duwan ugu baaseen imtixaanka sanadkan.
Wasiirka waxbarashadda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Aadan Habane iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka dowladda Daa’uud Axmed Faarax oo si wada jir ah ugu qabtay shir jaraa’id magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanka waxay soo bandhigeen 10-ka arday ee mid kasta ugu sareeya dugsiyada dhexe iyo sare .
Imtixaankan oo ay ka qaybgaleen dhammaan ardayda wax ka barata dugsiyada u diiwaangashan dowladda ee gobollada Maroodijeex/Hargeysa, Saaxil , Togdheer , Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa dugsiga dhexe waxa sagaal kaalmood ka helay gobolka Togdheer kaalina waxaa helay gobolka Hargeysa .
Fasallada Afraad ee dugsiyada sare gobolka Maroodi-jeex waxa uu ka helay Shan kaalmood 10ka arady ee ugu sareeyey imtixaanka, gobollada Awdal iyo Togdheer ayaa iyaguna 5ta kale kala qaybsaday.
Dugsiyada ku yaalla Sool , Saaxil iyo Sanaag waxa kaalmo ah kamay helin 20ka arday ee ugu sareeyeya imtixaanka guud ee Somaliland .