Gabar Isku Dishay Somaliland kadib markii ay ku Dhacday Imtixaankii Shahaadiga ee Maamulka

Nimco Axmed Jamac oo ka mid ahayd ardayda dhamaysatay fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe ee Imaamu Shaafici oo ku yaalla Magaalada Ceerigaabo ayaa nafta iskaga jartay Mindi ay dhuunta isaga beegsatay saaka aroornimadii.
Nimco ayaa illaa shalay ka walwalsanayd siday sheegeen qoyskeedu natiijada uga soo baxday Imtixaankii ay la gashay ardayda kale ee gobolkada Somaliland kaasi oo ay ka mid noqotay 603 arday oo ku dhacay Imtixaanka .
Nimco oo da’deeda lagu qiyaasay 14 jir ilaa 15 jir ayaa shaqaalaha cisbitaalka guud ee Ceerigaabo isku dayeen inay xaalafeed nolol ku gaaraan balse dadka deegaanku waxay sheegayaan inay markiiba ay naf ka baxday .
Wasaaradda waxabarashada oo dhammaadka todobaadkii hore shaacisay natiijooyinka ardayda u fariisatay imtixaanka dugsiyada dowliga ah iyo kuwa gaar ka ah ee manhajka la wadaaga dowladda waxay sheegtay in sanadkan uu ahaa kii tirada ugu badan ee ardaydu ku dhaceen imtixaanka.
Dhacdadan xanuunka badan ayaa imaneysa xilli dowlado ka tirsan qaaradda Afrika ay qaateen nidaam lagu fududaynayo imitixaanaadka ardayda walwalka faraha badan ku haya, waddama nidaamka cusub qaatay waxaa ka mid ah Koonfur Afrika , Tanzania, iyo Kenya oo baarlamaankeedu uu meel mariyay nidaamkaa cusub.
Hadaba dhacdadan ayaa ah mid gudbineysa farriin ku aaddan sida ay muhiim u tahay in dib loogu noqdo nidaamka waxbarashada dalka oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo, gaar ahaan nidaamka imtixaanaadka, inta aaney xaaladdu faraha ka bixin.
Goobjoog News