U bood dhigaalka

Gool Fm Oo Xarun Cusub Ka Furatay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah waxaa si toos ah loo daah furay xarunta cusub ee Idaacadda Ciyaaraha dalka Gool Fm magaaalada Baladweyne.

Munaasabad ka dhacday xarunta Idaacaddan ee magaalada Baladweyne waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud, maamulka Goobjoog xarunteeda B/weyne, mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Hiiraan gaar ahaan dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo mas’uuliyiin kale.

C/kariin Xasan Cabdulle oo ah guddoomiyaha guddiga Olympic-ada gobolka Hiiraan oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay maamulka Goobjoog Media Group dadaalka ay sameeyeen iyo sida shacabka B/weyne ugu geeyeen Idaacadda Ciyaaraha dalka.

Sidoo kale Ciyaartoyda ugu magaca dheer gobolka Hiiraan soo dhaweeyay Idaacadda Gool xarunta cusub ee ay ka furatay magaalada B/weyne sida uu sheegayo Aadan Maxamed Aadan ka mid ah ciyaartoyda gobolkaasi.

“Aad baan usoo dhoweyneynaa in Idaacadda Gool ay xarun ka furato magaalada B/weyne, shacabka Hiiraanna aad bay ugu baahnaayeen Idaacaddan ka hadleysa Ciyaaraha”

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada degmada B/weyne Maxamed Axmed Nuur Ciise oo xariga si rasmi ah uga jaray Idaacadda Gool Fm xarunteeda B/weyne ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka xarunta cusub Gool Fm ee magaalada B/weyne.

“Annaga ka maamul ahaan waan idin garab taagannahay, waan idiinla shaqeyn donna, waxaan ka fileynaa Gool Fm inay dhiiro geliso is dhexgalka bulshada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in guul horumar leh ay tahay in Gool Fm xarunteeda laga furo magaalada B/weyne, waxaana uu kula dardaarmay bahda ciyaaraha gobolka Hiiraan iyo shacabka ku dhaqan gobolkaasi inay ka faa’ideystaan.

Todobaadkii tagey ayaa Idaacadda Gool waxay xarun ka furatay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna xaruntaan noqoneysaa middii Labaad oo Labo Todobaad gudahiisa laga hirgeliyo gobollada dalka.

Goobjoog News