U bood dhigaalka

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Sheegay iney Bilaabayaan Diiwaangelinta Axsaabta

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo baarlamaanka federaalka hadal jeedin ka sameysay maalinimadii shalay ayaa sheegtay in guddigoodu uu bilaabayo diiwaangalinta axsaabta qaranka.

Xaliimo Ismaaciil ayaa hadal jeedinteedu ku aadanayd warbixintii dastuuriga ahayd ee guddiga baarlamaanku ka sugayay 4 biloodba mar, taas oo ay kala siman yihiin guddiyada kale ee madaxa banaan ee qaranka.

Guddoomiye Xaliimo ayaa baarlamaanka u faahfaahisay wax qabadkii guddiga ee mudadii dambe, waxay sheegtay iney shaqaale hawl-wadeenno ah oo gaaray illaa 34 qof ay qaateen, waxay xustay iney sameeyeen Qaamuuska eraybixinta doorshooyinka ah , waxay sheegtay iney dhul xafiis u noqda guddiga loo dhisayo, waxay tilmaantay iney ka mid noqdeen dallada guddiyada doorashooyinka dalalka Carabta.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa sheegtay iney jirto howlo kale oo ay hadda gacanta ku hayaan oo aan wali ka dhamaan, howlahaas oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta xisbiyada oo ay si dhakhso ah u bilaabi doonaan:

“Hawlo ayaan hadda ku jirnaa oo aan jeexnay oo cad, kuwa ugu horreyaan waxa waaye diiwaangelinta xisbiga, sharcigii Axsaabtaa waataad ansixiseen, madaxweynuhuna wuu soo saxiisay, wixii ugu horreyay oo aan qabanay waxay ahayd inana sharciga ku noqonno, waxyaalo badan oo waxaa jira u baahnaan doona in laga saxo, waxaan ku dhaqaaqeynaa oo aan hadda sameynayaa sharci hoosaadkii lagu hagaayay habka loo diiwaangalinaayo xisbiyada kaas ayaan si degdeg ah uga soo shaqeynayaanaa, waxaan kaloo bilaabeynaa xafiisyadii diiwaangalin lahaa xisbiyada inaan si dhakhsi ah u bilaabno, maadaama madashii ugu dambeysay laga soo saaray habka doorasho ee dalku uu noqon doono midka xisbiyada, xubnaha baarlamaanka ee soo socdana muddo labo sanno ka dib ah iney ku biiraan xisbiyaal , taas ayaa khasbaysa hadda in xisbiyada la diiwaangaliyo, ururada xisbiyada sheeganayaa aad ayay u tiro badan yihiin sharciguna wuxuu dhigayaa in sidooda lagu diiwaangaliyo, markaa ka dibna sharciga guddiga doorashooyinku uu soo saari doono, lagu caddeyn doono cidda noqoneysa xisbi rasmi ah ee doorasho gali karta” .

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ah mid u xilsaaran oo qura doorashooyinka qof iyo codka ah ee Soomaaliya laga filayo 2020-ka.

Goobjoog News