U bood dhigaalka

Gantaal Ay Tijaaabisay Waqooyiga Kuuriya Oo Ku Dhacay Biyaha Japan

Sheeko:Dalka

Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabiyay gantaal ballistic ah, iyadoo ka tuurtay dusha maraakiibta loo yaqaano gujiska, sidaa waxaa sheegay saraakiil Mareykan ah.

Gantaalka The KN-11 ayaa la sheegayaa in laga tuuray meel u dhawa  Sinpo, kaas oo duulay ilaa  500km (300 miles) ka hor inta aanu ku dhicin biyaha Jabaan.

Ra’isul wasaaraha dalka Jabaan ayaa sheegay in gantaalka uu ku dhacau biyaha Jabaan isla markaana ay tahay arrin ay ka muuqato mas’uuliyad darro.

Qaramada Midoobey ayaa mamnuucday gantaallada ballistic ee waqootiga Kuuriya taas oo la rumeysan yahay in ay ku qarineyso hubka wax qumaada.

Goobjoog News