U bood dhigaalka

Mootooyinka Saddexda Lug Leh Oo Markii Ugu Horreysay Ka Shaqo Billaabay B/weyne

Sheeko:Dalka

Bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan waxay Labadii sano ee lasoo dhaafay ku tallaabsanayeen horumaro kala duwan haba ugu badnaatee dhanka ganacsiga.

Sanad walbo waxaa gobolkaasi ku kordhayey qorsheyaasha ganacsiga cusub kuwaa oo dhiiragelinaya bulshada ku dhaqan Hiiraan.

Muuddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Baladaweyne ee gobolka Hiiraan kusoo badanayey Mootada Saddexda lug leh loona yaqaan Bajaajta kuwaasi oo ay magaalada geeyeen ganacsato si ay uga dhex shaqeyso xaafadaha magaaladaasi.

Shacabka B/weyne ayaa hadda aaminsan in wax badan ay isku socodkii xaafadaha magaaladaasi wax badan ka bedashay, islamarkaana ay u arkaan in degdeg meelaha ay rabaan ku tagaan.

Mid ka mid ah darawallada kaxeeya Bajaajta oo la hadlay wariyaheena B/weyne Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in shacabka wax badan u qabteen, islamarkaana meel walbo oo magaalada ay ku sugan yihiin, ayna fariisan meel boosteejo ah.

“Annaga wax badan ayaan u qabanay shacabka, aad bay inoo amaanayaan, waan u dadaalnay, horumar ayaan kusoo kordhinay magaalada, qofka iyadoo gurigeeda joogta ayaan u imaaneynaa degdeg ayaana ku geynaa meesha ay ku sugan yihiin, annagane qudheena faa’ido baan ku qabnaa, waxaana aad u shaqeynaa bisha markii ay dhammaad tahay”

Ardayda wax ka barta goobaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa soo dhoweeyay Bajaajta ka shaqo billowday magaaladaasi.

Axmed Aadan Cali oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan ayaaa sheegay in Mootada ay aad u adeegsadaan, islamarkaana xilliga jaamacadda u socdaan ay si sahlan ku tagaan iyaga oo aan daahin.

“Annaga Jaamacadda degdeg ayeey inoo geeyaan, markii hore Jaamacadda waan ka daahi jiray balse hadda lacag yar baan dhiibtaa degdeg ayeeyna igu geysaa” ayuu yiri Axmed Aadan.

Mootada Saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaajta ayaa ku baaheysa guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana markii u gu horreysay ay ka shaqo billaabeen magaalada Muqdisho.

Goobjoog News