Isbitaalka Qaaxada ee Ugu Weyn Somaliland oo Dhaqaale yari Darteed u Xirmaya

Isbitaalka lagu daweeyo xanuunka qaaxada ‘TB-da’, ee ku yaalla magaalada Boorama ayaa looga cabsi qabaa inuu u xirmo dhaqaale la’aan ka dib markii uu waayey caawimaad uu ka heli jiray hay’addo madax banaan oo maxali ah .
Isbitaalkan oo ah ka ugu weyn ee ku yaalla Somaliland, ayaa waxaa maamulkiisu ay Sheegayeen inuu halis ugu jiro inuu shaqada joojiyo, ka dib markii ay dayacnaan xagga qalabka shaqada ah iyo shaqaale la’aan soo food saartay shantii bilood ee ugu dambeeysay.
Maxamed Mahdi oo ah agaasimaha Isbitaalkan ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin gaabiska shaqo ee soo food saaray Isbitaalkan waxaanu yiri, “Isbitaalkani waa ka kaliya ee ugu weyn ee leh qaybta bukaanka jiifka, balse waxa haysta dhib sababi karta inuu xirmo, sababta oo ah ma haysanno qalab, ma haysano shaqaale oo shaqaalihii waxay u wada tageen lacag yari ama la’aanba madaama uu xanuunkani yahay mid halis ah oo dadka iskaga gudba qofka shaqaalaha ahi waxa uu u baahanyahay inuu helo lacag uu ugu bareeri karo khatarta tiina meesha way ka baxday “.
Agaasimaha ayaa sheegay in cisbitaalku waayey dhaqaale ay ka heli jireen hay’ado maxalli ah kuwaasi oo sababo u gaar ah uga gooyey lacagihii ay ku taageerayeen Isbitaalka, sidoo kale waxaa xumaaday ayuu yiri Labo baabuur oo u shaqayn jiray Isbitaalka oo aan hadda hawlgalin muddo Labo bilood ah .
Isbitaalkan oo ay hadda jiifaan bukaan ku dhaw 50 qof oo aan wax lacag ahi laga qaadin ayaa waxay u baahan yihiin daryeel shaqaale iyo daweynta ugu habboon iney helaan .
Isbitaalkan oo shaqaynayey illaa sannadkii 2002dii waxa asaastay qaybtan TB-da haweenay arrimaha samafalka ka shaqayn jirtay oo lagu magacaabi jiray Annalena una dhalatay dalka Talyaaniga taasi oo 7-dii bishii October 2003 dablay aan la aqoonsanin ay ku toogteen gudaha magaalada Borama.
Goobjoog News